Xabashida o garka iyo jilbaha la qabsaday si ay shabaab…..

Wasiirka warfaafinta xukuumada Somalia C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Itoobiya aysan ka baxeynin xiligan degaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool oo ay gacanta ku hayaan, iyagoo taageera ciidamada dowlada.

Isagoo wareysi siinayey Idaacadda VOA-da kuna sugan magaalada Kismaayo ayuu sheegay in kulan shalay ku dhexmaray magaalada Baydhabo gudoomiyaha Baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya lagu go’aamiyey illaa xili aan la cayimin ay sii joogaan ciidankaas gobolada Bay iyo Bakool.

“Ma jiro wax mad-madow ah, labada dowladoodna xiriirkoodu hadda ayuu ugu fiican yahay, ka bixitaankan ay hadda ka baaqdeen wwuxuu iska ahaa arrimo ciidan haatana waa la dhameeyey” ayuu intaa ku daray Wasiirka warfaafinta xukuumada Somalia C/llaahi Ciilmooge Xirsi.

Wasiirka ayaa sheegay in todobaad gudihiis ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada Somalia dib ugu laaban doonaan magaalada Xudur oo todobaadkii hore ay ka soo baxeen, isagoo xusay in mar laga saari doono Al-shabaab.

Dowlada Somalia ayaa ka ka walaacsaneyn sida xaalkoodu uu noqon degaano ka tirsan gobolada Bay iyo Bakool ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamadii Itoobiya ee joogay ay ka baxayaan.

Posted in Ali

2 thoughts on “Xabashida o garka iyo jilbaha la qabsaday si ay shabaab…..

  1. In xabashi la baryo maanta aduunyo gadoonka ayay ka midtahay. Waxaa la yiri: indhahaagoo raaga geel dhalayaanan waa ku tusiyaan.

Faallo u dhaaf