Kismayo oo wali madaxa la iskula jiro iyo Raskanboni oo ka biyo diidan….

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Kulan La isku Mari la’yahay waxa uu Magaalada Kismaayo kula leeyahay Masuuliyiinta Maleeshiyaadka Raaskaambooni.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose wararkii ugu dambeeyay ee haatan Laga helayo waxa ay Ku waramayaan in kulan uu Ka socdo Hoteelka La yiraahdo Tawakal kaasi oo ay Leeyihiin Masuuliyiinta Raaskaambooni iyo Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Ururka Raaskaambooni ay soo Jeediyeen in  Masuuliyiinta Dowladda ay Ku casuumayaan Shirka Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka ee ka dhacaya Magaalada  Kismaayo islamarkaana Dowladdu ay Marti ka noqoneyso Maadaama ay ku andacoonayaan in dadka Degan Jubbooyinka iyo Gedo ay Sameysan Karaan Maamul.

Dhanka Ra’isal Wasaaraha iyo Wafdigiisa ayaa La sheegay in iyana ay soo Jeediyeen in Maamul U sameynta Jubbooyinka Loo Madax baneeyo Dowladda Soomaaliya Iyadoo Ra’isal Wasaaraha uu Carabka ku dhuftay in Maamullo KMG ah ay u sii dhisayaan Gobolladaasi Jubbooyinka inta haatan ay ku suganyihiin Halkaasi.

Goobta ayaa La sheegay in ay ku sugnaayeen qareeno ka socday Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo Kuwaasi oo ku doodayay iyana in qodobada ku qoran Dastuurka ay yihiin Kuwa qaldan.

Saraakiil AMISOM ka tirsan ayaa Madasha Goob Joog ah ,Wakiillo Midowga Afrika ka socda ayaa ku sugan waxaana wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi aan ka heleynayo ay Tilmaamayaan in kulanka La isku Mari la’yahay

Posted in Ali

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s