Aanooyin soo laablaabtay oo xal laga gaarayo magaalada Gadoon

Waxaa mudo sanad ah ka socday Gobolka galgaduud gaar ahaan Degmada Gadoon iyo Degaano ku dhaw ka socdayay aanooyin qabiil oo u dhaxeeya Beesha Degta halkas ee Cabsiiye Cayr.
Aanooyinkaas ayaa inta badan waxay salka ku hayeen dhalinyaro ay iska dileen dhalinyaro ka kala Tirsan alshabaaab iyo ahlusuna Waljameeca ee Deegaanka ka soo jeeda, kuwaas oo markii danbe isku badalay aanooyin Qabiil iyo dilal lagu bartilmaameedsanayo wax garadka iyo Ganacsatada ka soo jeeda Beesha Cabsiiye ee halkaas Dagan.

Wararka ayaa sheegaya in Dilalka halkaas ka dhacay dadkii ku dhintay ay gaarayaan ilaa 10 qof oo iskugu jira wax garad Ganacsato iyo Culumo.

Waxaana Dilkii ugu danbeeyaya uu ka dhacay Degmada Gadoon maalmo ka hor, Waxaana lagu Dilaya wadaad caan ka ahaa halkaas oo lagu Magacaabao sheikh Cali Maxamed Siyaad.

Sidoo kale waxaa maalmihii la soo dhaafay shirara is daba jog ah ka socdeen magaalada Nairobi iyo magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay iskugu yimaadeen waxgarad Ganacsato si looga hadlo sidii loo joojin lahaaa dhiiga halkaas ku daadanaya.

Kulamadan ayaa waxaa loo saaray Gudiyo si ay ula Xiriiraan Jaaliyada beesha Cabsiiye ee ku Nool dibada, sida UK, Waqooyiga amerika, Sweden, Norway, Denmark, Angola, S/afrika iyo Filland.

Ugu danbayntii dhibaatada sanad jirsatay ee ka taaagan Beesha Cabsiiye Cayr ayaa ah mid aan waligeed soo marin taariiqda taasi oo u baahana in si dhab ah wax looga qabto.

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Posted in Ali

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s