Wararkii ugu dambeeyey ee khilaafka saxiixeyaasha Road mabka iyo liisaska xildhibaanada cusub %70 la gudbiyey

Saxiixeyaasha road-mabka ayaa weli aad ugu kala fog sida loo wajahayo arimo badan oo ay ka mid yihiin soo xulista xildhibaanada qaar, qaabka loo qabanayo doorashooyinka iyo qaar ka mid ah saxiixeyaasha laftooda oo muran badan uu ka taagan yahay wakiilnimadooda.

Waxyaabaha la isku hayo ee illaa hadda aan xalka laga gaarin waxaa ka mid ah madaxweyne Faroole oo doonaya inuu magacaabo qaar ka mid ah xildhibaanada khaatumo taasoo ka baxsan heshiisyadii Garowe iyo Gaalkacyo oo qorayey in odayaasha dhaqanku ay soo xulayaan xildhibaanada.

Shariif Xasan oo ka mid ah saxiixeyaasha road mabka ayaa isna doonaya inuu hal dhagax labo shimbir ku dilo isagoo soo jeediyey in doorasahada madaxweynaha laga soo hor mariyo tan, gudoomiyaha Baarlamankana dib loo dhigo, wuxuuna doonayaa inuu marka hore madaxweyne isku sharaxo si haddii uu waayo uu gudoomiyaha baarlamanka ugu tartamo taasna weli la iskuma af garan.

Sidoo kale waxaa jira muran ka taagan xubinta ahlu suna ee lixda saxiixe oo uu ku qoran yahay C/qaadir Macalin Nuur, waxaana ku heysta nin lagu magacaabo Libaax oo ka socda ahlu sunada gobolada dhexe, waxaana Libaax uu sheegay in C/qaadir Macalin Nuur uu yahay la taliyaha madaxweynaha uuna ka tirsan yahay dowlada Somalia sidaas awgeedna uusan meteli Karin ahlu suna.
 
Sidoo kale madaxweyne Shariif iyo raisul Wasaare Gaas ayaa isku khilaafay in la kala diro guddiga farsamada ee soo xulista baarlamanka, arimahaas oo dhana ilaa hadda ma jiraan calaamado muujinaya in xal laga gaari rabo, marka loo eego sida Shiikh Shariif uu uga soo carooday shirkii lagu lafa guri lahaa iyo rajada laga qabo in shir kale la qabto oo yar, waqtiga oo gabaabsi sii noqonaya awgeed.

Dhinaca kale, guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay soo gudbiyeen liisaska xildhibanada %70 iyadoo uu dhamaaday xiligii ay odayaasha iney lisaska dhan ku soo gudbiyaan oo aheyd shalay, waxaana jira beelo weli ku muransan xubnihii ku meteli lahaa baarlamanka cusub, waxaana la sheegay liisaska ilaa hadda la gubiyey aysan ku jirin tiradii looga baahnaa saamigii haweenka oo ahaa boqolkiiba soddon.

Posted in Ali

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s