Jaamacada Carabta oo sheegtay in wax laga qaban doono dhibaatada Somaliya ka jirta

Submitted by wararka on Sun, 07/06/2008 – 13:08.

Muqdisho.06.July.2008.(Sh.M.Network)- Gudi u xil saran Arimaha isku dubaridka howlaha Carabta ayaa shir waxaa uu ugu furmay Magaalada Qaahira ee wadanka Masar waxaana Arimaha ay kahadlayaan ka mida Arimaha Soomaaliya.

Gudigani oo dhismaha xarunta Jamacada Carabta ee magalada Qaahira uu maanta ugu furmay shir hordhaca oo ay kaga hadlayan arimo fara badan oo ay ka mid tahay xaalada Soomaaliya ayaa waxa ay faaqidayaan sidii gudigaani iyo waliba Jaamacada carabta ay gacan ugu gaysan lahaayeen soo afjarida Mashaakilka dalka Soomaaliya.

Gudigaani oo uu shir gudoominayo Xoghaya guud ee Jaamacada carabta Caamir Muusaa ayaa arimaha ugu waawayn ee looga hadlayo waxa ka mid ah Arimaha Falasyiiniyiinta,Ciraaq ,Sudan ,Jaziirada Comoros iyo Soomaaliya.

Dhanka Soomaaliya gudigu waxaa ay tilmaameen in diirada ay saari doonaan sidii wadamada Carabtu ay gacan ugu gaysan lahaayeen soo afjarida Mashaakilka ka taagan Soomaaliya,waxaana ay sheegen in soo afmeerida dhiibaatadasi ay tahay in loo sii maro wadahadal gaar ahaana meel marinta heshiiskaa 9/bishii laso dhaafay lagu gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimada wadanka Jabuuti kaasoo dhexmaray Dowlada KMG Soomaaliya iyo isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya ee fa dhigoodu yahay Magaalada Asmara ee wadanka Eritrea.

Gudigaan waxa ay tilmaameen in ay sii anba qaadi doonaan sidii loo dhamaystiri laha Ajandayaasha heshiiskii iyo waliba sidii ay gacan ugu gaysan lahaayeen in ay Soomaaliya marka kale cagaheeda isku tagto islamarkana laga gudbo is qab qabsiga haatan ka taagan wadanka Soomaaliya.

Posted in Ali

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s