Ciidamada dowlada oo dad rayid ah ka qab qabtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ciidamada dowlada oo dad rayid ah ka qab qabtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Submitted by wararka on Sun, 07/06/2008 – 13:03.

Muqdisho.06.July.2008.(Sh.M.Network)-Ciidamada Dowlada qaarkood ayaa dad rayid ah iyo ciidamo ka tirsan dowlada waxa ay maanta ku qab qabteen deegaano ka tirsan degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.

Ku dhawaad 20 qof oo isugu jira dad rayid ah iyo Ciidamo ka tirsan Kuwa dowlada KMG oo aan wadan dareeska Ciidamada ayaa maanta barqadii laga qabtay aga gaarka isgooyska Banaadir iyo hareerihisa.

Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa Boliiska ayaa maanta mar qura isku faafiyay hareeraha isgoyska Banaadir kuwasi oo la’arkayay iyagoo jirdil u gaysanaya dadkii ay soo qab qabteen.

Dadka Maanta la qab qabtay ayaa waxa ay u badnaayeen dad rayida oo wadada iska marayay iyo kuwa goobo ganacsi ku lahaa hareeraha wadada ay Ciidamada ku jireen kuwaasi oo iminka la’ogayn waxa keenay in goobahooda ganacsi laga soo wado.

Waxaa xirmay maanta intii Ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa Booliiska ay ku sugnaayeen goobihii ganacsiga ee aga gaarka isgoyska Banaadir kadib markii dadkaasi ay arkeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG oo wada dad ay in dhaha ka xiranyihiin isla markaana u sii wata dhanka Xarunta dambi barista ee CID.

Mid ka mida dhalinyarada goobta ay ciidamada dowlada howl galada ay ka sameeyen islamarkaana ka cararay xaafadiisa markii u arkay Ciidamada ayaa Idaacada Shabelle u shegay in Ciidamadaasi ay ka xaysteen ku dhawaad dad kor u dhafaya 20 qofood kuwaasi oo qaar loo gaystay jir dil.

Ma’aha markii ugu horaysay oo Ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya ay dad rayid ah ka qab qabtaan aga gaarka isgooyska Banaadir balse waa markii ugu horaysay ee ay qab qabtan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG soomaaliya kuwaasi oo aan la’ogayn waxa ay ku qab qabteen.

One thought on “Ciidamada dowlada oo dad rayid ah ka qab qabtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

  1. Pingback: Goobaha Ilaahay lagu cabudo oo noqotay meel leysku ugaarsado « Degmooyinka

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s