wararkii ugu danbeeyay

Dagaal Sababay dhimasho iyo dhaawac oo saakay ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Submitted by wararka on Sun, 07/06/2008 – 05:17.

Muqdisho.06.July.2008.(Sh.M.Network)-Dagaal Culus ayaa saakay waxa uu ka dhacay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud iyadoo dagaalka laysku adeegsaday hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii muran ka dhashay dhul ku yaala degmada cadaado iyadoo aan la ogeyn ujeeda ka dambeysa ee keentay khilaafkaasi,waxaana dagaalka uu qal qal galiyay dadka ku dhaqan degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo sedax ka mid ah ay yihiin Ciidamo boolis ah oo uu lahaa Maamulka Gobolka sida la sheegay dhaawacna uu soo gaaray 7 kale oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay,waxaana dagaalka uu yahay mid sii yara qaboobay sida dadka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka gal gaduud ay shabelle u xaqiijiyeen.

Inkastoo Xaalada degmada Cadaado ay degan tahay ayaa waxaa socda da’daalo ay wadaan Odayaasha deegaanka iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Maxkamadaha islaamka ee Soomaaliya taasi oo lagu doonayo in xiisada lagu qaboojiyo.

Dagaalka saakay ka dhacay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu Saameyn ku yeeshay ganacsiga dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka Bl-ka iyadoo dadka ay ku sugan yihiin gidaarada degmada Cadaado ee Gobolkaasi oo ay uga gambanayeen Xabadaha wiiftada ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s