Cadawga oo Jabay

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya dagaalkii shalay ka bilowday nawaaxiga Garoonka Balidoogle ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaalkii shalay dhexmaray Mujaahidiinta Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed(JABISO) oo ay iskaashanayaan kuwa Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed iyo camiisha DFKMG ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya ayaa wararku sheegayaan in xooggagga mujaahidiintu ku furteen gaadiid iyo sahay farabadan.

Sarkaal sare oo ka mid ah JABISO oo u waramay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ay gacanta uga dhigeen ciidamadaasi 22 gaari oo isugu jira Candhameydlayaal, inatereeyo, UD, Basas oo ay saarnaayeen sahay kala nooc ah iyo shidaal fara badan.

Isla ilahaas ayaa intaa ku daray in gawaari kala duwan oo qaar ay yihiin Tikniko oo lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 8-9 ay baxsadeen kuwaas oo la sheegayo in ay gaareen deegaanka lego ee Gobolka Shabeelada Hoose markii ugu wardanbeysay.

Sarkaalka u hadlay JABISO oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa ayaa yiri “Mujaahidiintu Dagaal culus ka dib alle SW waxa uu u suuro galiyay in ay cadowga kala haraan baabuur gaaraysa 22 oo ay ugu talo galeen in ay sahayna ku sii qaataan Ciidamo uu Gumeysiga Itoobiya soo tabo barayna ku soo daabulaan si ay colaad iyo xasuuq hor leh uga bilaabaan Magaalada Muqdisho, marka illaahay mahadii intii kale way carareen iyaga dhag aan la qabta lahayn 22 gawaarina mujaahidiintu gacanta ayuu alle u soo galiyay, Sidoo kale waxa uu sarkaalkaasi sheegay in aysan marna ogolaanayn in cadowga illaahay iyo dabo dhilifyadiisa in ay si nabad ah ku maraan jidadka iyaga oo isaga kala gooshaya gobolada Dalka Soomaaliya waxaana uu yiri “marna uma ogolaanayno in cadowga illaahay iyo dabo dhilifkiisaba ay iska dhex mushaaxaan jidadka isla markaana ay ciidamadooda iyo hogaamiyayaashooda si nabad ah ku maraan wadadii ay doonaan, jid walba ayaan ugu jirnaa insha allaah wayna ka go ayaan in ay dhaq-dhaqaaq danbe sameeyaan”

Mar wax laga waydiiyay sarkaalkaasi waxyeelada dhinacooda soo gaaray ayaa waxa uu noo xaqiijiyay in ay ka shahiideen dhinacooda 3 mujaahid 5 kalana ay ka dhaawacmeen.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Mbagathi ee dabadhilifka u ah cadowga Illaahay, iyadoo ay caado u tahay in ay isku dayaan in ay indhaha caalamka ka qariyaan jabka kasta oo ay mujaahidiinta Soomaaliyeed u gaystaan.

Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaya qasaaraha iyo jabka ay la kulamayaan camiisha Ethiopia ee ina Yeey iyo Zenawi madaxda u yihiin, halka Ilaahay guusha siinayo mujaahidiinta Soomaaliyeed ee xaq u dirirka ah.

Qabqablaha dagaal

Al shabaab iyo sanadkan

Dagaalo qaraar oo laysku adeegsaday hubka nucyadiisa kaladuwan ayaa Xalay Saqdii dhexe ka dhacay magaalada Baydhbo xarunta gobalka Baay oo fadhiisin u ha Baralamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ee dagaalka Halganka ah kawado Soomaaliya ayaa Weerar layaableh ku qadaay gooba muhiim ah oo Baydhabo katirsan sida Xarunta ADC-da Baarlamanka Warshadda Xaseey oo ah Saldhigga Ciidanka Itoobiya.

 

Wararka nagasoo garaayo magaalada Baydhabo ayaa sheegayo in Xoogaga Al Shabaab ay saacada kooban lawareegeen Gacan ku haynta Suuqa Xoolaha Baydhabo iyo dhinaca Waqooyi ee magaalada Bayadhbo.

 

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Shiikh Mukhtaar Abuu Mansuur oo Saaka Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xoogagoodu ay duqeeyeen Baydhabo dhawana ay si buuxda ula wareegi doonaan magaalada.

Dagaal Culus ayaa saakay waxa uu ka dhacay degmada

Dagaal Culus ayaa saakay waxa uu ka dhacay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud iyadoo dagaalka laysku adeegsaday hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii muran ka dhashay dhul ku yaala degmada cadaado iyadoo aan la ogeyn ujeeda ka dambeysa ee keentay khilaafkaasi,waxaana dagaalka uu qal qal galiyay dadka ku dhaqan degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintay 4 qof oo sedax ka mid ah ay yihiin Ciidamo boolis ah oo uu lahaa Maamulka Gobolka sida la sheegay dhaawacna uu soo gaaray 7 kale oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay,waxaana dagaalka uu yahay mid sii yara qaboobay sida dadka ku dhaqan degmada Cadaado ee gobolka gal gaduud ay shabelle u xaqiijiyeen.

Inkastoo Xaa

lada degmada Cadaado ay degan tahay ayaa waxaa socda da’daalo ay wadaan Odayaasha deegaanka iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Maxkamadaha islaamka ee Soomaaliya taasi oo lagu doonayo in xiisada lagu qaboojiyo.

Dagaalka saakay ka dhacay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu Saameyn ku yeeshay ganacsiga dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka Bl-ka iyadoo dadka ay ku sugan yihiin gidaarada degmada Cadaado ee Gobolkaasi oo ay uga gambanayeen Xabadaha wiiftada ah.

Xaflad Shahaado lagu gudoonsiinayay Arday ka qalin jabisay dugsiga sare ee hoyga Xamar ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta FPNS ee magaalada Muqdisho.

Xaflad Shahaado lagu gudoonsiinayay Arday ka qalin jabisay dugsiga sare ee hoyga Xamar ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta FPNS ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan oo aheyd mid balaaran oo shahaado lagu gudoonsiinayay in ka badan 35 arday oo ka qalin Jabisay dugsiga hoyga Xamar qeybta dugsiga Sare ayaa maanta lagu qabtay Xarunta FPNS ee Magaalada Muqdisho.

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka kala socota Macaahida kala duwan iyo qeybaha kale ee Wax barasahada ayaa mas’uuliyiintii ka hadashay xafladaasi ayaa waxa ay ku dheeraadeen qiimaha ay leedahay wax barashada.

Maxamed Xasan Aadan {Black} oo ka mid ah mas’uuliyiinta dugsiga hoyga Xamar oo ka hadlay xaflada qalin Jabinta ayaa waxa uu ku booriyay ardayda in ay sii wadaan da’daalkooda islamarkaana ay sii lama jibaaraan.

Maha markii ugu horeysay oo dugsiga hoyga Xamar qeybihiisa kala duwan ay ka qalin jabiyaan arday uu soo saaro dugsiga Sare ee hoyga Xamar,waxaana Xafladaan ay ku soo beegmeysaa xili goobaha kale ee wax barashada ay xiran yihiin iyadoo dugsiga hoyga Xamar uu ka mid yahay Macaahida ugu waa weyn ee ku yaala gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ee wili u taagan in ay wax baraan jiidka soo koraya.

xasuuqii shacabka

Goobaha Ilaahay lagu cabudo oo noqotay meel leysku ugaarsado

Markaad fiirso wayadaan waxaa soo baxayo dili loo geysanaayo dadka bulshada wax tarka uleh iyadoona ilaa iyo hadda la ogeen cidda wax geysaneysa waxaase cajiib ah in goobaha ilaahay lagu caabudo ee masaajidada noqdeen goobo kawaan ah oo dadka lagu xasuuqo.

Markaad fiirso wayadaan dadka la dilaayey intoobadan waxaa la dilaayey dadka masaajidka ka soo baxay ama xiligaas dukanaayey salaad waxaana la dhihi karaa qof salaad ka soo baxay qofkii dhiigisa baneystaa meesha uu rabo ka gali doono ilaahay baa ogo maxaa yeelay ilaahay aduunka oo bur buraa waxaa ugu qiima badan hal qof oo masilin ah oo la bad baadiyaa bal ka waran ninka subax kastaa u soo shaqo tago qof muslin ah dil isagoo qaadanaayo aduun yar .

Soomaaliya gaar ahaan waxa ka socda Muqdisho waxaa la dhihi karaa waxa aduunka ka dhaca waxa ugu xun maxaayeelay subax kastaa waa baryaa waxaa la dilaa qof muslin ah mana jirta maalin aan Muqdisho qof ku dhiman oo Muslin ah marka meel maalin kastaa lagu dilaayo Muslinkaa soo kuma dhaceyso caro alle .

Maalin kastaa waxaa la dilaa qof Culumo ah, Aqoonyahan iyo dadka Bulshada ugu qiimaha badan iyadoona dilkaas ay geysanayaan dad aan aqoon fiican laheyn oo bartay oo kaliya sida wax loo dilaa Illahay ba quraankiisa ku yiri ma sina qof aqoonleh iyo qof aan aqoon laheyn ilaahay xagiisa waxaa u qiimaleh qofka aqoonta leh