Hiiraan ma loo damqay

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maxaakiimta Islaamka ee gacanya kui hay magaaladasi au bilabeen xalkay ilaa saaka iney dibeda uga baxaan magaaladaasi.

Arintan ayaa ka dambeysay ka dib markii shalay uu dhacay gudaha magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan kulan balaaran oo ay isku yimaadeen masuuliyiinta midowga maxaakiimta Islaamka ee gacanta ku haya magaaladaasi iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan kaasoo looga hadlayey sidii loo adkeyn lahaa waxna looga qaban lahaa amaanka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan isla markaana loo suura gelin lahaa in magaaladaasi aysan noqon goob ay ku dagaalamaan ciidamada maxaakiimta Islaamka iyo kuwa Itoobiya ee magaaladaasi duleedkeeda isku hor fadhiya.

Leave a Reply