Hey’adaha Samafalka ee ka howl gala magaalada Muqdisho ayaa ugaarsi xoogan lagu hayaa iyadoona la ogeen cidda sida rasmiga u fuluneysa howshaasi .
Maanta kaliya waxaa la dilay 2 qof oo u shaqeyo heyadaha sama falka labadaas oo lagu kala magacaabo Cali Baashi Aloore iyo Maxamed Maxamuud Kheyre iyadoona dilalka loo geysanaayo shaqsiyaadkaasi ay ku badan yihiin magaalada Muqdisho.
Kooxaha awooda ku leh Muqdisho ayaa iska fogeeyey in ay qorshahaasi wax ka maleegeen iyagoona dhamaan wada canbareyeen dilalka foosha xun ee loogeysanaayo shaqsiyaadka u shaqeyo kooxaha wax gar gaaro.
Waa arin fool xun cid wax dileyso in aan la garan karin iyadoona xiliyadii beelaha ugaarsiga ka dhaxeyey durba lagu ogaan jiray dadka dilalaka geysta taana xal loo heli jiray.
Dhan ka kale ugaarsi xoogan ayey isku hayaan beesha Murusade dhexdeeda iyadoona xasuuq aan loo aaba yeelen isku hayaan beeshaasi iyadoona labada kooxood ee kala taageersan labada fikir ay daacad u yihiin mabda´´ooda .
Dilka oo xooli ku socda ayaa waxaa dhimanayo dad dhalinyaro ah iyadoona beesha kaliya wiigagii ugu danbeyey ay iska dileen dad gaaraayo 30meeyo kuwaas oo sida muuqata ku jiran dad aan waxba galabsan
Dhamaaan odayaashii beesha Murusade ee wax gartay ayaa isaga haajiray Muqdisho iyadoona dhamaan ay hadda ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya taasoo hada aysan jirin cid wax garad ah oo kala qaboojiso xasarada dadka lagu xasuuqaayo madaama ay isugu hareen dad dhalinyaro ah
Sida muuqato 18sano ee dagaalada ka jireen Soomaaliya ayaa beeshaani aan waligeed ka dhex dhicin in iyagu isdilaan taanuse waa mid ku cusub oo u baahan in deg deg wax looga qabto.
Arintaan ka socota Muqdisho ayaa waxaa si aad ah u canbareeyey wax garadka qurba jooga ah iyagoona u sooo jeedinaayo wax garadka yar ee ku haray Soomaaliya in ay wax ka qabtaan inta ay talada faraha ka bixin
Si kastaba ha ahatee halkaa waxaa nooga cad in gumeysigu uu gaaray hadafkiisii madaama uu Soomaalida dhexdeeda iyagu isku mashquuliyey arintu maanta uu maraayo qeybi oo xukun
Filed under: mooge