Wareergto uu soo saaray Maamulka Ximan iyo Xeebaha ayaa lagu magacaabay C/llaahi Cali inuu noqdo Gudoomiyaha degmada Hobyo laga bilaabo marka ay soo baxdo wareegtada oo ku sumadaysan X-B29-July 10, 08.
C/laahi Cali ayaa ah aqoonyahan in muddo ahba ku noolaa Canada isgoo xilal kala duwana ka soo qabtay Dowladdii militariga. Waxa uu ka tirsanaa howl wadeenada safaaradda Soomaaliya ku lahayd Dalka Talyaaniga sanadihii ugu danbeyey ee maamulkii Siyaad Barre.
C/llaahi oo ku dhashay magaalda Hoyo ayaa aqoon durugsan u leh dadka iyo deegaanak isgoo dhawaanahanba socdaal ku soo maray Hobyo, Ceelhuur, Xiindawaco, Gawaan iyo Saqiiro. Socdaalkiisa ayuu warbixin uga dhagaysat dadka deegaanka isagoo u balan qaday in uu wax ka qanan doono biyo yarida ka jirta deegaanka hoostaga Hobyo.
Magaalada Hobyo ayaa ah magaalo taariikhi ah oo leh xeeb aad u dheer oo hodan ku ah macdanta iyo Kaluunka.
Filed under: mooge


