Maamulka Ximan & Xeebaha oo Amaanka adkeynaya

Shir jaraa’id oo ay saakay magaalada Cadaado si wada jir ah ugu qabteen gudoomiyaha Gobolka Ximan Mudane Cumar maxamed Diiriye (Guurreey) iyo Xog/arimaha bulshada ee maamulka ximan iyo Xeeb Mudane Abdirizaq Macallin Cilmi ayey uga hadleen baahida loo qabo sidii loo xoojin lahaa tayada iyo tirada ciidanka nabadgalyada maamulka Ximan iyo Xeeb.

Labada masuul ayaa waxay shirkooda jaraa-id uga codsadeen dhammaan ganacsatada, qurbejoogga, aqoonyahanada iyo waxgaradka beesha RX/Saleebaan in ay taageero mug leh ka qaataan sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada ciidanka Boliiska maamulka Ximan iyo Xeeb.

Labada masuul ayaa waxay shirkooda jaraa’id ku sheegeen in xoojinta ciidanka policeka loogu baahanyahay si loo hirgaliyo nabadgalyo buuxda oo ka dhalata deggaanka maamulka Ximan iyo xeeb.

Leave a Reply